Search
Close this search box.

8 Hab ee ugu Fudud ee Lacag Looga Sameeyo Online ka 2024 ?

sidee lacag loo sameeyaa, sidee lacag u heli karaa

ma rabtaa in aad lacag ka sameyso online ka, sannadka 2024 ?

waxaan baaritaan dheer ku sameynay muddooyinkii ugu dambeeyay, hababka ugu fudud ee uu qofwalba, gaar ahaan qofka Soomaaliga ah uga sameyn karo Online ka lacag, isaga oo bixinaya juhdi iyo dadaal.

intii aannu baaritaanka wadnay, waxaanu ogaanay habab badan oo lacag loo sameeyo.

hababka qaar ayaa shaqeeyay, qaarna waxa ay noqdeen kuwo ay adag tahay in lacag laga sameeyo, ama se si lacag looga sameeyo ay u baahan tahay dadaal muddo badan qaadanaaya.

sidoo kale qaar ayaa noqday kuwo ku xiran location gaar ah, hadaba qormadan waa kuu muhiim akhriskeedu haddii aad qorsheyneysid in aad lacag ka sameysid Online ka.

1- Habka koowaad waa (freelancing)

haddii aad tahay qof xirfaddo leh, waxaad xirfadahaaga kusoo bandhigi kartaa ama kaga shaqeysan kartaa platform yada sida upwork, iyo fiverr , waxaadna ka sameyn kartaa dhaqaale aad u fiican.

sidoo kale haddii aad tahay qof ku fiican xirfadaha qoraalka,(writing) ka iyo graphic design ka iyo web development ka, waxaad helaysaa macaamiil faro badan adiga oona ka sameyn doona dakhli aad u faro badan oo ku kaafin kara.

sidee lacag loo sameeyaa, sidee lacag ku heli karaa
  • labada shirkadood ba waxa ay leeyihiin macaamiil faro badan
  • wax ay ka shaqeeyaan labada shirkadood ba adduunka oo dhan
  • lacag bixinta labada shirkadoodba waa mid 100% leysku haleyn karo, oo ammaan ah.
  • shaqooyin badan oo xirfaddo ah ayay qabtaan oo aan tiro lahayn.
  • tartanka ka jira labadan shirkadood waa mid aad u sarreeya.
  • lacagta ay goostaan labadan shirkadood ayaa gaareysa ku dhowaad 20%
  • wey ku adag tahay dadka ku cusub in ay markaba helaan macaamiil cusub.

2- habka labaad waa (tabab-barada online ka)

haddii aad tahay macalin ku wanaagsan luuqadaha gaar ahaan labada luuqadood ee aadka loogu hadlo adduunka ee english ka iyo carabiga, waxaad u bari kartaa ardayda luuqadahan qaab maqal iyo muuqaal ah.

sidoo kale haddii aad tahay qof aqoon durugsan u leh xirfadaha ay baahida weyn u qabaan bulshadu, waxaad bulshada u bari kartaa qaab online ahaan ah, adiga oo ka heli kara halkaas dakhli aad u faro badan, sidoo kalena bulshadii qiimo ayaad kusoo kordhisay.

sidee lacag loo sameeyaa, app lacag laga sameeyo, lacag

3- habka saddexaad waa affilliate marketing (dilaalid)

affilliate marketing waa in aad shirkadaha waaweyn iyo kuwa yaryarba aad u xayeysiisid addeegooda qaab online ah,adiga oo isticmaalaya link yada shirkadahaas aad wax u xayeysiineysid.

baddeecad kasta ama addeeg kasta oo aad gadid waxaad ka helaysaa dakhli ama lacag, waana mid kamid ah hababka ugu fudud ee online ka lacag looga sameeyo.

sidee lacag loo sameeyaa, app lacag laga sameeyo
  • lacagta aad ku bilaabeysid waa lacag yar
  • waa dakhli waligii kuu socon kara
  • dakhligaagu waxa uu ku xiran yahay dadaalkaaga
  • macmiil aad is arkeysaan ma jiro
  • tartanka suuqa oo sarreeya
  • waxa aad u baahan tahay traffic ama shacab in aad heysatid
  • program yada qaar waxaa hooseeya commision kooda.
  • program kasta waxa uu leeyahay xeerarkiisa u gaarka ah
  • niche yada qaar ayaa ah kuwo aan faa;ido lahayn oo wakhti lumis ah

4- habka afaraad waa xog curiye (content creation)

content creation waa in aad xog soo gudbisid, haddii ay noqon lahayd in aan kaamerad kasoo muuqatid, mid kamid ah kuwa ugu caansan ee content creation ka waa in aad youtube aad furatid oo aad soo gudbisid macluumaadyo iyo xoggo.

sidoo kale waxa aad sameysan kartaa blog website adiga oo soo gudbin doona qormooyin faa’ido u leh bulshada, sidoo kale waxa aad sameyn kartaa poscast adiga oo ku wareysan kara dadka bulshada kaalinta ugu jira nooc walba oo ay yihiinba.

ama waxa aad wax kusoo gudbin kartaa platform yada kale ee lagu soo gudbiyo muuqaalada gaagaaban, sida tiktok ka iyo youtube shorts ka.

sidee lacag loo sameeyaa, app lacag laga sameeyo
  • waxaad soo bandhigeysaa hal-abbuurkaaga
  • qaabab badan ayaad lacag uga sameyn kartaa
  • waxaad dhisaneysaa shakhsiyad summad leh iyo magac
  • waxaad isku baraneysaan bulsho faro badan
  • waxaad ka heli kartaa dakhli waligii kuu socon kara
  • waxaad ku yeelan kartaa saameyn iyo hadal-heyn
  • wakhti badan ayaa kaa gelaaya
  • tartanka content creation ku aad ayuu u sarreeyaa
  • cadaadis ah in aad marwalba joogteyso
  • waxaad laga yaabaa in aad dhaleeceyno la kulanto
  • marmarka qaar xaaladdo caafimaad darro ayaa kusoo wajihi kara

5- habka shannaad ee aad lacag u sameyn kartid waa dropshipping

dropshipping ku waa in shirkadda laftigeedu aysan ku keydineyn baddeecadda keyd keeda oo aysan dadka ka iibineyn, beddel keeda marka uu macmiilku wax soo dalbado, waxa ay shirkaddu isticmaaleysaa hab la yiraahdo dropshipping model.

qofka dropshipperka ah, marka uu qof macmiil ah soo dalbado addeeg, waxa uu la xiriirayaa qeyb kale oo saddexaad, ka dibna baddeecadda ayaa loo sii dhiibayaa macmiilkii rabay, waxaadna halkaas ka helaysaa dakhli adiga oo aan baddeecad na iibin ama aan taaban.

sidee lacag loo sameeyaa, app lacag laga sameeyo
  • dhaqaale yar ayaa lagu bilaabaa
  • si fudud ayaad u sameysan kartaa
  • baddeecooyin badan ayaad iibin kartaa
  • qaarad kasta wax waad ka iibin kartaa
  • wuu ka lacag yar yahay ganacsiga caadiga ah ee baddeecadaha
  • aaminaadda macmiilka oo aad u yar
  • tayada maamulka baddeecadda oo meesha ka baxda
  • marmarka qaar wakhtiga shipping ka oo dheeraada

6- habka lixaad ee aad lacag uga sameyn kartid online ka waa (online courses)

marka muddadii aad khadka ama internet ka ku jirtay ma gadatay koorso online ah luuqaday doonto haku baxdee, dabcan waxaa laga yaabaa in jawaabta su’aashaadu ay u badato haa! maxaa yeelay haddii aad maya dhaheysid, wey adkaan lahayd in aad qoraalkan aad akhrisid wakhtigan.

hadaba online courses ku ama casharada online ka ah oo aad duubtaa, haddii aad xirfad ama wax ku wanaagsan tahay waxa ay kaa dhigeysaa in aad dakhli fiican aad ka sameysid, sidoo kalena aad na bulshadii wax kusoo kordhisid.

  • waxaad heli kartaa arday faro badan oo daafaha dunida kala joogta.
  • is diiwaan gelin xilli walba ah oo aan aan dhammaad lahayn.
  • waa dakhli waligii kuu socon kara
  • in aad arday aamusisid ama aad toosisid uma baahnid
  • waa in aad ka taxadartid tayada casharada
  • wakhti iyo dadaal faro badan ayay u baahan tahay in aad sameysid
  • tartanka suuqa ka jiraa waa mid sarreeya
  • wey adag tahay in aad caawisid ardayda

7- habka todobaad ee aad lacag uga sameyn kartid online ka waa (stock photography)

stock photography wax kale ma aha, waa in aad sawirrada aad soo qaadid, aad ku iibisid ama aad ka gadid online ka.

website yada ay ka midka yihiin shutterstock iyo getty images ayaad ka iibin kartaa iyo kuwa kale ee badan ee qaabilsan in ay iibsadaan sawirrada micnaha leh ee ay dadku uga baahan karaan online ka, adiga oo halkaas ka heli kara dakhli aad u fiican.

  • wey fududahay in aad sawirro qaadid
  • waa dakhli kuu socon kara waligaa
  • sawirrada qarkood ayaa magac kuu sameyn kara
  • shaqooyin kala duwan ayaa laga yaabaa in aad ku heshid
  • sawirrada online ka yaalla oo aad u badan
  • sawir kasta waxaa laga yaabaa in uu lacag yar kuugu kaco
  • sawirrada qaar waxaa laga yaabaa in lagugu soo diido
  • website walba waxa uu leeyahay xeerar u gaar ah

8- habka siddeedaad ee aad lacag uga sameyn kartid online ka waa (Tiktok)

haa, tiktok ku waxa uu noqday mid kamid ah platform yada laga sameeyo lacagta, sidoo kalena marka loo eego application nada kale tiktok ka wey ka fududahay in aad heshid shacbiyad daawata muuqaaladaada.

haddii aad la timaado niche iyo fikrad fiican, wey fududahay in aad tiktok aad lacag ka sameyso muuqaaladiisa gaagaaban, waxaana jira dad bilooyinkii ugu dambeeyay ka sameeyay lacago kor u dhaafaya 500-60k oo dollar.

  • wey fududahay in aad bilowdid
  • marka aad bilaabeysid wax lacag ah oo kaa gelaysa ma jirto
  • aad ayay u fududahay in aad heshid views iyo daawadayaal
  • shuruudaha leyska rabo ma aha kuwo adag

su’aalahan isweydii ka hor inta aadan bilaabin in aad online ka lacag ka sameysid

  • problem ama dhibaato noocee ah baan rabaa in aan xaliyo ?
  • waa maxay ujeeddadayda ugu weyn ee aan leeyahay ?
  • waa maxay xirfadaha aan ku fiicanahay ?
  • yaa weeye cidda aan rabo in ay gaarto qorshayaasheydu ?
  • application nadee iyo website yadee baan rabaa in aan wax kusoo gudbiyo ?
  • farsamooyin noocee ah baan isticmaalayaa ?
  • yaa weeye dadka tartanka igula jira ?
  • diyaargarow intee le’eg baa la iiga baahan yahay ?

ugu dambeyn

ugu dambeyn, in lacag laga sameeyo baraha bulshada iyo online ka, waa wax xaqiiqo ah 100% oo waxaa jira dad badan oo ayba noloshoodu ku tiirsan tahay baraha bulshada dhaqaale badan na ka sameeyay.

balse waxa ay u baahan tahay dadaal aad u faro badan oo uu qofku la yimaado, wax kastaana kama soo haraan dadaal iyo juhdi faro badan oo lagu bixiyo.

isku day in aad wakhtigaaga aad ku lumiso baraha bulshada, aad dhanka kale uga faa’idaysato in aad lacag kaga sameyso online ka.

Dhammaad

A.Ciro

A.Ciro

i am content creator, i began my content creation journey 2020, i love making blog posts about financial, especially how to make money, also i talk about,technology ideas, social media advices, and affiliate marketing

One Response

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *