Sidee Youtube Lacag Looga Sameeyaa 2025 ?

Waxaa jira dhallinyaro badan oo soomaali ah oo is weydiiya sidee youtube lacag looga sameeyaa rabana in ay bilaabaan ama ay lacag ka sameeyaan youtube…
haddaba dhallinyaradaas waxaa caqabad ku noqota sidii ay u bilaabi lahaayeen aaladda youtube iyo meeshii ay ka bilaabi lahaayee, sidoo kale waddooyinkii ay raaci lahaayeen, iyo waxyaabihii ka caawin lahaa in ay lacag ka sameeyaa youtube ka.
maqaalkaan waxaan uga hadli doonaa waxkasta oo aad uga baahan yahay sidii aad u bilaabi lahayd youtube channel aad lacag ka sameysid sannadka 2025 ka.
sidee youtube lacag looga sameeyaa, mase laga sameeyaa ?

su’aashan waxaa laga yaabaa in aad isweydiineysid ama aad horay isku weydiisay, haa youtube ka waa laga sameeyaa lacag fiican, sidoo kalena waxaad ka sameyn kartaa lacag kugu filan oo aad noloshaada ku kaafin kartid.
inta ay tahay lacagta aad youtube ka ka sameyneysid waxay ku xiran tahay mowduuca aad dooratid ee aad rabtid in aad ka hadashid, iyo sidoo kale waddamada ay joogaan dadka ku daawan doonna.
waddamada ugu lacagta badan youtube
- United state america
- United kingdom
- Canada
- Australia
- Germany
- Norway
- Switzerland
- Sweden
- Netherlands
- United Arab Emirates
Qaababka ugu fiican ee lacag looga sameeyo youtube

waxaa jira qaabab fudud oo uu qofwalba haddii uu raaco uuna wakhti ku filan geliyo ay fududahayin qofku uu lacag kaga sameyn karo youtube ka waxana ay kala yihiin qaababkan:-
1- xayeysiisyada Google adsense
xayeysiisyada google adsense waa habka ugu fiican uguna fudud uguna caansan ee ay dadku garanaayaan lacagna looga sameeyo youtube ka, waa in ay shirkadda youtube ku xayeysiisyo ay kasoo muujiso muuqaaladaada ka dibna ay dadka daawada ay kugu siiso lacag.
habkan si aad u sameysid waxaa lagaaga baahan yahay shuruudo ay tahay in aad buuxiso, shuruudahan haddii aad raaci weydo wey adag tahay in aad lacag ka sameysid youtuube ka, haddaba shuruuduhu waxa ay kala yihiin:-
- inaad heysatid ugu yaraan 1,000 subscribe
- in muuqaaladaada la daawaday ugu yaraa 4,000 oo saacadood
- in aad heysatid 10 million oo views 90 kii beri ee ugu dambeeyay
tan 10 million oo daawasho waxa ay si gaar ah u khuseysaa dadka raba in muuqaalada gaagaaban ee shorts ka ay ka sameeyaan lacag.
2- habka labaad waa Affiliate marketing (dilaalid)
habkan waa hab aad uga sameyn kartid youtube ka lacag dheeraad ah oo ka baxsan tan aad ka heli lahayd xayeysiisyada, waana in aad xayeysiisid oo aad suuq geysid wax soo saarka shirkadaha adiga oo is ticmaalaya link yo ka dib na gaar siinaya link yadaas daawadayaashaada.
haddaba marka ay daawadayaashaadu ay raacaan link yadaada ka dibna ay wax ka gataan shirkadaas, waxa aad adiguna ka helaysaa lacag waxaad na ku yeelaneysaa percentage waxa uu qofkaasi iibsaday.
shirkadaha ugu fiican ee aad ka heli kartid link yo aad u xayeysiisid waxaa ka mid ah :-
- Amazon Associates
- ShareASale
- CJ Affiliate (Commission Junction)
- Rakuten Advertising
- ClickBank
- Impact
- PartnerStack
- Awin
- Fiverr Affiliates
- Bluehost Affiliate Program
- Shopify Affiliate Program
- Elementor Affiliate Program
- SEMrush Affiliate Program
- Hostinger Affiliate Program
- Kinsta Affiliate Program
- GetResponse Affiliate Program
- ConvertKit Affiliate Program
- NordVPN Affiliate Program
- WP Engine Affiliate Program
- Teachable Affiliate Program
3- habka saddexaad waa (sponsored videos)
habka waxaa laga yaabaa in aynnu ka soomaali ahaan aad aynaan ugu baraarugsaneyn sidoo kalena ay jirto aqoon yari dhanka shirkadaha soomaalida heysata, inkastoo aynnu arkeyno in baryahan aynnu aad usoo fahmeynno.
habkan waa in aad si toos ah aad ugu xayeysiisid shirkadaha adeegyadooda, aynna kugu siiyaan lacag si aad ugu suuq geysid wax soo saarkooda iyo badeecadahooda.
haddii aad tahay qof ay ku xiran yihiin daawadayaal aad u faro badan, waxaad heysataa fursad aad shirkadaha ugu xayeysiiso wax soo saarkooda adiga oo ka helaya dakhli aad u faro badan.
shirkadaha soomaalida ee adeegsada habkan waxaa kamid ah:-
- marwa Fertility center
- paysii
- dahabplus
- faras taxi
- daarul taqwa
4- habka afaraad waa (youtube shorts)
haa youtube shorts waa habka ugu fudud ee aad uga sameyn kartid youtube ka lacag sababta oo ah waxaa fudud in aad heshid daawadayaal daawada muuqaaladaada marka loo barbardhigo muuqaalada dhaadheer ee youtube ka.
haddaba habkan waa hab aad u fudud marka ay noqoto diyaarinta muuqaalada oo kugu qaadan karta wakhti aad u yar marka loo barbardhigo habka kale ee muuqaalada dhaadheer.
hadaba si aad u bilowdid habkan waxaa lagaaga baahan yahay dhowr wado oo aad raacdid si aad ugu guuleysatid youtube shorts ka:-
- in aa taqaanid sida loo edit gareeyo muuqaalada gaagaaban.
- in aad dooratid niche ama mowduuc gaar ah.
- in aad taqaanid sharciyada youtube ka
- in aad taqaanid cidda aad wax u gudbineysid.
5- habka shannaad waa in aad adigu iibisid product yadaada
habkan waa hab u fudud qofka isagu leh ama wax soo saara sidoo kale shirkad ama business leh ama ha weynaado ama ha yaraadee.
waxaad bulshada ka iibin kartaa wax soo saarkaada adiga oo ku xayeysiinaya youtube channel kaaga bulshadana usoo bandhigaya waxa aad iibisid.
waxaa markaas sahlanaaneysa in bulshadu ay wax kaa iibsadaan haddii aad tahay qof sumcad ku dhex leh agtooda ama ay aad u dhageystaan.
mowduucyada (niche) yada leh lacagta ugu badan youtube ka.

waxaa jira cinwaano iyo mowduucyo leh lacag aad u faro badan youtube ka marka la barbardhigo mowduucyada kale, haddaba mowduucyadan waxaa kamid ah :-
- Personal Finance & Investing
- Tech Reviews & Unboxings
- Health & Fitness
- Beauty & Skincare
- Gaming
- Education & Online Courses
- Digital Marketing & Business
- Luxury & Lifestyle
- Travel & Vlogging
- Real Estate
- Make Money Online
- Self-Improvement & Productivity
- Cryptocurrency & NFTs
- Software Tutorials & AI Tools
- Food & Cooking
- Cars & Automobiles
- Parenting & Family
- DIY & Home Improvement
- Science & Facts
- Motivation & Success Stories
youtube ku ma leeyahay mustaqbal fiican oo ma leysku haleyn karaa ?

dabcan haa, waayo youtube ku waa shirkad marba marka kasii dambeysa sii koreysa, sidoo kale waxaa aad u siyaadeysa dakhliga laga sameyn karo ayaga oo sidoo kale aad u fududeeya sharciyada lacagta looga sameyn karo.
soo koobid
si aad lacag uga sameysid youtube ka waxa aad u baahan tahay joogteyn iyo in ay kaa go’an tahay oo aad diyaar u tahay in aad lacag ka sameysid youtube ka.
sidoo kale waa in aad marka hore aqoon faro badan u leedahay waxa aad rabtid in aad soo gudbisid iyo waxa lagaaga baahan yahay si aad uga gaartid guul la taaban karo.
ugu dambeyn youtube ku kama soo haro joogteyn iyo ka go’naansho. haddii aad rabtid maqalkeena aan uga hadalnay qaababka ugu fudud ee lacag loo sameeyo fadlan akhriso maqaalkan kooban.
One Comment