|

sidee facebook lacag looga sameeyaa 2025 ?

sidee facebook lacag looga sameeyaa

waxaa jira dhallinyaro badan oo is weydiinaya wakhti xaadirkan su’aasha ah sidee facebook lacag looga sameeyaa…

haddaba waxaan nu rabna in aan ka jawaabno weydiinta su’aashan oo ah mid laga yaabo in aad waxbadan ka faa’idid marka aad qormadan dhammeysatid ka dib.

dhallinyarada soomaaliyeed waxa ay sannadahan dambe ay diyaar u yihiin in ay wax la qeybsadaan dhallinyarada kale ee asaaggood ah ee ku nool caalamka, aynna sameeyaan dakhli ku filan noloshooda.

facebook lacag malaga sameeyaa ?

sidee facebook lacag looga sameeyaa 2025 ?

dabcan, jawaabta su’aashan si fudud haddii aan uga jawaabno waa haa, oo waxaa jirta soomaali badan oo lacag ka sameeya facebook ka facebook ka waliba waxaa laga yaabaa kuwa badan oo aad garaneysid in ay ka sameynayaan lacag wakhti xaadirkan.

marka waa in aynnu xoogga saarnaa sidii aynnu uga sameyn lahayn lacag annaga oo raaceyna hababka ugu fudud ee aynnu uga sameyn karno lacag.

hababka ugu fudud ee lacag looga sameyn karo facebook:-

sidee facebook lacag looga sameeyaa

habkan waa habka loo yaqaan ads ka ama xayeysiisyada, waxaana uu u qaab eg yahay habka looga sameeyo youtube ka lacagta ee xayeysiisyada.

habkan waa in muuqaaladaada haddii ay yihiin kuwo saddex daqiiqo iyo wixii kabadan ah in la soo saaro xayeysiisyo ka dibna xayeysiisyadaas ay daawadaan daawadayaashaadu ka dibna aad ka heshid dakhli.

sharciyada lagaaga baahan yahay si aad xayeysiisyada facebook lacag aad uga sameysid:-

  • waa inaad heysatid ugu yaraan 5,000 oo followers
  • waa in muuqaaladaada la daawaday ugu yaraan 600,000 oo daqiiqo 60 kii beri ee ugu dambeeyay.
  • waa in aadan jebin xeerarka u yaalla facebook ka.
  • waa in aad joogtaa waddan laga oggol yahay.

qoddobka ugu dambeeya wax dhib ah oo ku jira ma jirto oo marka aad buuxisid shuruudaha facebook waxaad ku xiraneysaa cinwaankaaga qof jooga waddan laga oggol yahay sida Kenya oo kale.

sidee facebook lacag looga sameeyaa

facebook ku waxa uu sannadihii ugu dambeeyay uu bilaabay in uu tartan la galo shirkaddaha Tiktok iyo Youtube waxa uuna soo kordhiyay reels oo ah muuqaalada gaagaaban ee ay caanka ku tahay aaladda Tiktok ka.

haddaba facebook ku waxa uu dadka muuqaalada gaagaaban kusoo gudbiya aaladdiisa uu u sameeyay in ay lacag ka sameyn karaan muuqaalada gaagaaban, sidoo kalena shuruud ahaan aad u fudud.

fursadaan ayaa waxa ay aad u soo jiidatay dadka jecel in ay sameeyaan muuqaalada gaagaaban, sidoo kale waxa ay fursad u noqotay dadkii wax kusoo gudbin jiray tiktok ka ayaga oo bilaabay in ay labada aaladood ba ay lacag ka sameeyaan.

sidee facebook lacag looga sameeyaa

habkan waa hab laga yaabo in aysan soomaalidu aysan si fiican ugu baraarugsaneyn oo laga yaabo badankoodu in aysan u lahayn aqoon ku filan.

habkan waa in aad lacag uga sameyso aaladda facebook ka adiga oo sameynaya guruub, ka dibna iskugu keenaya dad ama community ka dibna usoo gudbinaya dalabyo heerkoodu sarreeyo ama casharo, ama wax aad ku wanaagsan tahay adiga oo saaranaaya lacag yar.

habkan waxa uu aad ugu wanaagsan yahay dadka leh xirfadaha ama ay jirto wax ay ku fiican yihiin, ka dibna sii baraaya ama uga faa’ideynaaya bulshadaas ku xiran guruubkaaga.

shuruudaha lagaa rabo si aad u bilowdid habkan:-

  • in ay jirto wax aad ku fiican tahay
  • in aad heshid shacab kugu xiran
  • in aad taqaan qaabka wax loosoo gudbiyo

habkan facebook marketplace waa in aad si toos ah wax ugu iibisid facebook ka adiga oo adeeg sanaaya hababka ugu fiican ee wax loo suuq geeyo.

waxaa sidoo kale aad iibin kartaa qalab yada iyo alaabaha aad soo isticmaashay ee aadan u baahneyn, sida aqalada iyo fadhiyada guriga, waxaad markaas aad helaysaa dad u baahan waxyaabaha aadan u baahneyn isticmaal kooda.

sidoo kalena haddii aad tahay qof ganacsade ah waxa aad alaabahaaga ku iibin kartaa facebook ka dhexdiisa adiga oo heli kara macaamiil diyaar u ah in ay iibsadaan waxsoo saarkaaga.

habkan waxaa laga yaabaa in aad horre aad u maqashay waana in aad wax u xayeysiiso shirkadaha adiga oo isticmaalaya link yada shirkadaha bixiya affiliate marketing ka.

waxaa jira shirkaddo badan oo laga heli karo link yo sidoo kalena uu aad u sarreeyo qiimaha boqol leyda ee ay kugu siinayaan halkii qof ee wax ka iibsada.

habkan si aad u sameyso waxaa marka horre loo baahan yahay in aad leedahay shacab iyo dad raaca link yada aad usoo bandhigtid, haddaba hoos ka akhriso shirkadaha ugu fiican ee aad u sameyn kartid aadna isticmaali kartid link yadooda:-

  • Amazon Associates
  • ShareASale
  • Rakuten Marketing
  • Bluehost Affiliate Program
  • Shopify Affiliate Program
  • Target Affiliate Program
  • Awin
  • CJ Affiliate (formerly Commission Junction)
  • Fiverr Affiliate Program
  • ClickBank
  • FlexOffers
  • PartnerStack
  • Leadpages Affiliate Program
  • Teachable Affiliate Program
  • ConvertKit Affiliate Program

yaa ka sameyn kara facebook ka lacag ?

haddaba haddii aynnu kasoo hadal nay qaababka ugu fudud ee lacag looga sameyn karo iyada oo la isticmaalayo aaladda facebook ka, waxaan soo gudbineynaa cidda ay tahay in ay lacag ka sameyso facebook ka:-

qof aqoon u leh aaladda

haddii aadan aqoon kugu filan u lahayn aaladda facebook ka, waxaad adkaaneysa in aad lacag ka sameysid, oo waayo aqoon kugu filan ba uma lihid aaladda aad rabtid in aad lacag ka sameysid.

qof dulqaad badan

haddii aadan ahayn qof dulqaad badan, waxaa aad u adkaaneysa in aad lacag ka sameysid aaladda facebook ka iyo dhammaan baraha bulshada oo dhan, waayo si aad u heshid natiijo wanaagsan, waa inaad marka hore gelisaa wakhti kugu filan oo aad la timaadaa dulqaad.

qof xeelad yaqaan ah

haddii aad tahay qof xeelad yaqaan ah oo yaqaan waxa habboon iyo xilliga ay ku habboon yihiin waxa aad heysataa fursad fiican oo aad lacag uga sameyn kartid facebook ka iyo dhammaan aaladaha kala duwan ee lacagta laga sameeyo.

ugu dambeyn

si baraha bulshada lacag looga sameeyo waxa ay u baahan yihiin dulqaad aqoon iyo in aad taqaan wax kasta xilliga ay ku habboon yihiin, si aad guul uga gaarto baraha bulshada.

sidoo kale wax kasfa waxa ay qaataan wakhti iyo tamar aad u dheer, oo haddii aad tahay qof uu degdeg ku jiro waxa aad u adkaaneysa in aad guul ka gaartid wax kastaba, sidoo kale akhriso maqaalka aan uga hadalnay sida youtube ka lacag looga sameeyo.

Dhammaad

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *